Pine Tree Legal Assistance Pine Tree Legal Assistance

Home

Links

Legal Help

Court Forms

About Pine Tree

News

Search

Cool Stuff





Contact Us
Offices


Housing

Foreclosure Prevention

Fair Housing

Family Law

Employment Law

Health Care Issues

Education

Public Benefits

Consumer Law

Tax Info

Native American

Court Procedures

Immigrant Rights

Miscellaneous


Courthouse Assistance

Taxpayer Clinic

Native American Unit

Farmworker Unit

Discrimination


Maine Statutes

Maine Court Rules



Cadaaladda Guryaha:

Xaqa Aad u Leedahay Guri Kireysasho ama Guri Iibsasho

Waa maxay macnaha "Cadaaladda Guryaha" (Fair Housing)?

Gobolka Maine waxa ka jira sharci gobol iyo sharci federal oo ku saabsan "cadaaladda Guryaha". Sharciyadaasi waxay qorayaan inaan mulkiile guri (landlord) aanuu kuu diidi karin inu guri kaa kireeyo iyadoo sababtu tahay:

  • jinsi
  • midab
  • asal wadan ama isir (meesha adig ama qoyskaagu ka yimi)
  • diin
  • rag iyo dumarv
  • naafo
  • haynta caruur yaryar (taasoo sharciga loogu yeedho "xaalad qoys" (familial status)) ama
  • qaadashada gargaarka dawladda

Waxa kale oo sharci-daro ah in mulkiilaha gurigu kuula dhaqmo si ka duwan sida uu kireystayaasha kale ula dhaqmo iyadoo sababtu tahay isla kuwaa la soo sheegay.


Waa guryahee kuwa sharcigu qabanayo?

Sharcii wuxu qabanayaa guryaha intooda badan, ama gurigu ha ahaado mid aad kireysanaysid ama aad iibsanaysid. Guryaha sharcigu qabanayo waxa ku jira:

  • abaarmanada iyo guryahay ay iska leeyihiin mulkiilayaasha gaarka ah, iyo
  • "guryaha la kabo" (subsidized housing), sida guryaha dawladda (public housing) ee ay maamusho hay’ad guri.

Waxa jira dhawr wax oo ka reeban sharciga. Tusaale ahaan: qaybo ka tirsan sharciga federalka ayaan la dabiqi karin ama la isticmaali karin haddii u mulkiiluhu guriga ku nool yahay isla markaana guryaha u kireynayo aanay ka badnayn 4 guri. Sharciga gobolku ma qabanayo dhisme ka kooban 2 guri oo mid ka mid ah u degan yahay mulkiiluhu. Sidoo kale ma qabanayo marka uu mulkiiluhu u kireynayo 4 qol ama wax ka yar oo ku yaalla gurigiisa.


Ka waran haddii si ka sii xun la iila dhaqmo sababta oo ah waxan dacweeyay mulkiile guri, ama qof baan ka gargaaray dacwad?

Sharcigu wuxu qorayaa inay sharci-daro tahay in qof kuu hanjabo, ama si khalad ah kuula dhaqmo, sababta oo ah waxa aad isku dayday inaad hirgalisid sharciga cadaaladda guryaha. Haddii taasi dhacdo, waxa aad heli kartaa gargaar. (Eeg qaybta "Halkee Baan Gargaar ka Heli Karaa" ee hoos ku taalla.)


children


Mulkiile guri ma ii diidi karaa inu guri iga kireeyeo sababtoo ah waxan leeyahay caruur?

Maya. Sharcigu wuxu qorayaa in mulkiilayaasha guryuhu aanay dadka caruurta leh u diidi karin inay guri ka kiryeeyaan, ama sababtoo ah waxad leedahay uur. Waxa jira ka-reebis u gaar ah guryaha qaarkood oo loogu talogalay guryaha waayeelka. Xeerarka amaanka guryaha ayaa iyaguna xad u yeelli kara tirada dadka si amaan ah ugu noolaan karaguri, taasoo ku xidhan cabbirka guriga. Waa sharci in laguu diido in guriga lagaa kireeyo sababta oo ah dadkaaga ayaa badan. Wareyso xafiiska amaanka dhismaha ee degmadaada (building code office).


Mulkiile guri ma iila dhaqmi karaa si ka duwan sida uu dadka kale ula dhaqmo sababtoo ah waxan qaataa gargaarka magaalada, gobolka, ama dawladda Maraykanka?

Sharciga Maine wuxu qorayaa waa in laguula dhaqmaa isla sida loola dhaqmo kireystayaasha kale. Taa macnaheedu waxa weeye inaan mulkiilaha gurigu kaa qaadi karin kiro ama kharash gaar ah, ama aanuu sharci gaar ah adigu kuu samaysan karin.


Ka waran haddii aan isku dayayo inaan guri iibsado, ka dibna u iibiye guri ama dayn-bixiye cadaalad-daro ama takooris igu sameeyo?

Sharciga waxa kale oo lagu dabiqi karaa ama u qabanayaa marka aad isku dayaysid inaad guri iibsatid.

  • Guri iibiyuhu kuuma diidi karo inu guri kaa iibiyo, ama kugu adkeeyo sidii aad u iibsan lahayd.
  • Dilaal guri (real estate agent) ma diidi karo inu kuu adeego.
  • Bixiye dayn guri (home mortgage lender) kuuma diidi karo dayn ama kuguma adkayn karo sidii aad dayn u heli lahayd.

Takooristu ama cadaalad-daradu waa inay ku salaysan tahay jinsi, midab, diin, lab iyo dhedig, asal wadan ama isir, naafo ama lahaansho caruur ("xaalad qoys").


Halkee baan gargaar ka heli karaa?

Si aad u soo sheegtid takoorista, la soo xidhiidh labadan xafiis ee dawladda. Soo wac ama warqad u soo qor. Ama buuxi warqadda ku jirta rugta internetka ee hoos ku qoran.

Maine Human Rights Commission (Guddida Xuquuqda Bini’aadanka ee Maine)

51 State House Station telephone
Augusta, Maine 04333-0051
Teleefon: 207-624-6050
Maqal-laawe (TTY/TTD): 207-624-6064
FAAKIS: 207-624-6063
Internetka halkan ka xerayso dacwadda:
http://www.state.me.us/mhrc/FILING/charge.htm

HUD Office of Fair Housing (Xafiiska HUD ee Cadaaladda Guryaha)

U.S. Dept. of Housing & Urban Devel.
Thomas P. O’Neill, Jr. Federal Bldg. telephone
10 Causeway Street, Room 321
Boston, MA 02222-1092
Teleefon: 1-800-827-5005 ama (617) 994-8300
Maqal-laawe (TTY) (617) 565-5453
FAAKIS: (617) 565-7313
Internetka halkan ka xerayso dacwadda:
www.hud.gov/complaints/housediscrim.cfm

Haddii aad su’aalo qabtid, ama aad doonaysid gargaar lagaa siiyo buuxinta warqadda xafiiska, soo wac Gargaarka Sharciga ee Pine Tree Legal Assistance oo leh lambarka 774-8211. Haddii aanad Ingiriisiga ku hadlin, sug salaanta af Soomaaliga ah. Salaanta ka dib, waxa lagaa codsan doonaa inaad riixdid lambarka #4 ee teleefonkaaga. Ka dibna raac tilmaanta ku saabsan sidii aad fariin uga tagi lahayd. Annaga oo wadana turjubaan ayaa dib ku soo wici doona.


Maxaa dhici doona haddii aan dacwad xeraysto?

Maine Human Rights Commission (MHRC) (Guddiga Xuquuqda Bini’aadanka ee Maine)

hand writing Waa inaad dacwad ka xeraysatid MHRC (Guddiga Xuquuqda Bini’aadanka ee Maine) lix bilood gudahood laga bilaabo maalinta u mulkiilaha gurigu ku kacay falka sharci-darada ah. Ka dib marka aad dacwadda xeraysatid, MHRC waxay mulkiilaha guriga u diri doonta koobiga ama nuqulka dacwadda, si loo helo jawaabtiisa. Ka dibna waxa aad fursad u heli doontaa inaad ka jawaabtid jawaabtiisa.

Baadhe ka socda MHRC ayaa arrinta ama kiiska baadhi doona. Waxa dhici karta in baadhuhu qabto shir ah "xaqiiqo-raadis." Shirkaasi waa shir aan rasmi ahayn oo ah xaqiiqo-raadis. Ama waxa dhici karta in baadhuhu la yeesho shirar gaar ah adiga iyo mulkiilaha guriga ama teleefonka kugula soo hadlo.

Baadhitaanku inta uu socdo waxa aad fursad u heli doontaa in arrinta la dhameeyo. Haddii aad heshiis isla gaadhaan, waa in labada dhinacba ka soo baxaan heshiiska. Haddii aad heshiin weydaan, baadhuhu wuxu qori doonaa warbixin. Baadhuhu wuxu warbixinta ku qori doonaa inu u malaynayo ama aanu u malaynaynin in mulkiiluhu jabiyay sharciga guryaha.

Baadhuhu wuxu warbixinta u soo diri doonaa adiga iyo mulkiilaha guriga. Haddii aanad warbixinta raalli ka ahayn, waxa aad warqad u qori kartaa Xubnaha Guddiga Xuquuqda Bini’aadanka (Commissioners). Xubnaha Guddidu waxay akhriyi doonaan warbixinta, iyo waliba wixii qoraallo ah ee aad adiga iyo mulkiilaha guriga soo raaciseen. Ka dib shir dadweynaha u furan ayaa Xubnaha Guddidu ugu codeyn doonaan inay taageeraan warbixinta iyo inaanay taageerin.

Haddii aad ka heshiisaan arrinta, waxay arrintu ku dhamaan kartaa dhawr bilood, ama wax u dhow. Haddiise arrintu ay marto habka u yaalla oo dhan, waxa caadi ah in arrintu qaadato 330 maalmood.

Ka dib marka Guddidu go’aan ka gaadho arrintaada, waxa kuu banaan inaad dacwadda la hortagtid Maxkamadda Sare (Superior Court). Haddii Guddidu aragto "sababo caqli-gal ah" oo sheegaya in si sharci-daro ah laguula dhaqmay, qareen ama looyar ayaa arrintaada geyn doona maxkamadda. Ama, ka dib marka arrintaadu taallay MHRC mudo ah 180 cisho, waxa aad ka codsan kartaa in baadhitaanka la joojiyo si aad dhakhso maxkamadda u tagtid. Ka hor intaanad taa sameyn raadso qareen ama qof sharciga kaala taliya.

HUD Fair Housing Office (Xafiiska HUD ee Cadaaladda Guryaha)

Haddii aad go’aan ku gaadhid inaad dacwadaada ka xeraysatid Xafiiska Dawlaada Maraykana ee Cadaaladda Guryaha (United States Fair Housing office), waa inaad taa ku sameysid sannad gudihii laga bilaabo maalinta u mulkiilaha gurigu falka sharci-darada ah ku kacay.

HUD waxay mulkiilaha guriga ogeysiin doontaa dacwadaada weydiin doontaana inu soo bixiyo jawaab qoran. HUD waxay baadhi doontaa arrinta si go’aan looga gaadho haddii "ay jiraan sababo caqli-gal ah oo lagu rumeysan karo" in mulkiilaha gurigu u jabiyay sharcigu. HUD waxay isku dayi doontaa in mulkiilaha gurigaaga lala galo heshiish dhawraya xuquuqdaada.

HUD waxay qaadi doontaa talaabooyinkan kaligeed ama waxay dacwadaada u diri doontaa hay’adada dawladda ee MHRC si baadhitaan loo sameeyo. (Eeg dusha sare si aad u ogaatid habka ay u maamulaan dacwadaha.)

judge's malletHaddii aan arrintaada la xalin isla markaana ay HUD aragto "sabab caqli-gal ah" (eeg dusha sare), waxa arrinta loo gudbin doonaa dhageysi maamul oo rasmi ah (administrative hearing). Qareen ama looyar dawladda ka socda ayaa lacag la’aan kuu doodi doona. Waxa kale oo suurogal kuu ah inaad la timaadid qareen ama looyar aad adigu keensatid. Haddii Xaakinka Sharciga Maamulku (Administrative Law Judge) u adiga garta ku siiyo, waxa mulkiilaha guriga aad ku jirtid lagu amri karaa:

  • Inu bixiyo khasaarahaaga.
  • Inu sameeyo waxyaabo gaar ah si uu khaladka u saxo.
  • Inu lacag ganaax ah siiyo dawladda Maraynkanka.
  • Inu bixiyo kharashka qareenka.

Haddii labada qolo ee dacwadu ka dhexayso ay doortaan inay isla tagaan Maxkamadda Federalka (Federal Court), maxkamadda ayaa markaa dhageysan doontaa dacwadooda. Qareen ka socda dawaladda ayaa kuu doodi kara. Maxkamaddu waxay qaadi kartaa isla waxkaqabadkii la soo sheegay, iyo kharash ganaax ah—kaasoo ciqaab u ah falalkii khaladka ahaa ee u mulkiilaha gurigu galay.

Waxa kale oo aad xaq u leedahay inaad tagtid maxkamadda federalka adiga oo kharashka iska bixinaya oo aan soo marin talaabooyinkaa la soo sheegay. Waxa aad maxkamadda weydiisan kartaa in lagu siiyo qareen aanad lacag ka bixin.


Ka Waran haddii qof cadaalad-daro ama takooris aan ahayn guri la ii diido igu sameeyo?

Sharciga gobolka Maine iyo ka federalku waxa kale oo ay mamcuun ka dhigeen takooris ama cadaalad-daro ka dhacda waxyaabahan:

  • shaqo-siinta
  • daynta (siinta daynta)
  • goobaha dadweynaha (sida hoteelada, dukaanada, adeegyada bulshada iyo meelaha dadweynuhu isugu yimaado)
  • fursadda waxbarashada

Haddii cadaalad-daro kaa qabsato meelahaa mid ka mid ah, waxa aad gargaar ka codsan kartaa Guddida Xuquuqda Bini’aadanka ee Maine (Maine Human Rights Commission). (Eeg qaybta sare "Halkee Baan Gargaar ka Heli karaa".)


Ka waran haddii qof kale ii hanjabayo ama i dhibayo?

Waa sharci-daro in qof kale ku dhibo iyadoo sababtu tahay jinsi, midab, diin, asal wadan, isir, naafo, lab iyo dhedig, ama nooc galmo.

Wixii gargaar ah, kala xidhiidh boliiska degmadaada ama Qaybta Xuquuqda Madaniga ah (Civil Rights Division) ee Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maine (Maine Attorney General):

telephone6 State House Station
Augusta, Maine 04333
Teleefon: (207) 626-8800
(ka dib dooro # 4)
(Maqal-laawaha) TTY: (207) 626-8865

Haddii aanad Ingiriisiga ku hadlin, soo wac Gargaarka Sharciga ee Pine Tree Legal Assistance oo leh lambarka 774-8211. Sug salaanta af Soomaaliga ah. Salaanta ka dib, waxa lagaa codsan doonaa inaad riixdid lambarka #4 ee teleefonkaaga. Ka dibna raac tilmaanta ku saabsan sidii aad fariin uga tagi lahayd. Annaga oo wadana turjubaan ayaa dib ku soo wici doona.

Ogeysiis

moose Waxa soo diyaariyay Pine Tree Legal Assistance Bishii Koobaad 2003
iyadoo gargaar laga helay HUD Fair Housing Office iyo Maine Human Rights Commission. 

Waxa annu warkan u bixinaynaa qaab ah adeeg dadweyne. Waxa annu isku daynay in warku sax ahaa markii lagu jiray taariikhda kore. Marmarka qaarkood sharcigu wuu isbedelaa. Ma ballanqaadi karno in warkani marwalba yahay mid cusub oo sax ah. Haddii taariikhda kor ku qorani aanay ahayn sannadkan, na soo wac si aad u ogaatid inu jiro qoraal kan dambeeyay oo ka cusub. 

Warka halkan ku qorani ma aha la-talin sharci. Marka annu kuu soo dirno qoraalkan, macnaheedu ma aha in annu kuu nahay qareen ama looyar. Ka hor intaanad qaadin talaabo sharci ah, marwalba, haddii aad awoodid, la tasho qareen ama looyar.


Pine Tree Legal Assistance
Home | Site Search | Feedback | Terms of Use | Learn about Maine Law | Staff Only | Board
KIDS LEGAL | HelpMeLaw | Volunteer Lawyers Project


Creative Commons License
The work on this website is licensed under a Creative Commons Attribution-Noncommercial-No Derivative Works 3.0 United States License.
You are welcome to copy and distribute this material as is, but not for commercial purposes.
You may not alter, transform, or build on this work without our permission, but feel free to ask.